Gudoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Oo Howlo Kormeer ah Ku Sameyay Xarunta Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha cusub gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamed Maxamud (Filish) ayaa maanta howla kormeer ah ku sameeyay maanta xarunta Aqalka dowlada hoose Xamar iyadoo ay halkaasi kusoo dhaweeyen guddoomiye ku-xigeenada maamulka gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud gobolka Banaadir.

Duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Filish ayaa warbixina quseeya xld gobolka Banaadir iyo dowlada hoose ka dhageestay guddoomiye ku-xigeenada gobolka Banaadir iyo xoghayaha guud isagoo ku dhiiragaliyay in la xoojiyo howlaha lagu horumarinaayo Caasimada.

Ugu danbeyn gudddoomiyaha cusub gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamed Maxamud (Filish) ayaa kormeeray xarunta dad dhigista dowlada hoose Xamar halkaasi oo ay ka socotay shaqa xoogan oo loogu qidmeynayay bulshada degmooyinka gobolka Banaadir.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa la dardaarmay madaxda iyo howl wadeenada waaxda dad dhigista, waaxda dacwadaha dhulalka iyo taliska ciidanka ilaalinta deegaanka dowlada hoose xamar.

Image may contain: 2 people, people smiling, people standing and outdoorImage may contain: 4 people, people standing, suit and indoorImage may contain: 1 person, sitting, suit, table and indoorImage may contain: 1 person, suitImage may contain: 6 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 1 person, sitting and indoorImage may contain: 4 people, people smiling, people standing and suitImage may contain: 3 people, people standing, suit and indoor

You might also like More from author