Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland oo 20 kun dollar ku wareejiyey…

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta ku wareejiyey Guddiga Waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo lacag gaareysa $20,910 dollar oo u dhiganta 299 Foosto oo laami ah.

Wareejinta dhaqaalahaan looga qeyb-qaadanayo dhameystirka waddada Ceeldaahir-Ceerigaabo ayaa qeyb ka aheyd balan-qaadkii Baarlamaanka ee Shirweynihii daah-furka Ololaha Qof iyo Foosto ee Baarlamaanka balan qaadeen 367 Fuusto January 6, 2021.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland ayaa si shaqsi ah uga qeyb-qaatay 100 foosto oo daamur ah, halka 199 foosto kalena ay kaga qeyb-qaateen Xildhibaanada iyo Hawl-wadeenada Golaha, halka Golaha Baarlamaanka DPL ay ku hartay 68 Foosto oo Laami ah oo ay wareejin-doonaan Guddiga Bisha soo socota May, 2021-ka.

Marxalado kala duwan ayey soo martay dhismaha Wadadaan iyadoo Madaxda Puntland & Qurba joogta Deegaanka kasoo jeeda ka qeyb qaateen.

You might also like More from author