Guddoomiye kuxigeenka gobolka Ibrahim Dheere oo lagu eedeeyey baaqashada kulankii Waaberi iyo Dharkinley

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Ibrahim Dheere oo lagu eedeeyey baaqashada kulankii Waaberi iyo Dharkinley

Guddoomiye kuxigeenka gobolka Ibrahim Dheere oo lagu eedeeyey baaqashada kulankii Waaberi iyo Dharkinley

Guddoomiye kuxigeenka maamulka Maaliyadda gobolka Banaadir Ibraahim Cumar Mahad-alle ayaa lagu eedeeyey baaqashada ku timid kulankii kama dambeysta ahaa ee horyaalka degmooyinka caasimada ee dhex mari lahaa kooxaha Waaberi iyo Dharkinley.

Markii dadweynuhu soo xaadireen isla markaana la sugayay in ciyaartu bilaabato ayaa waxaa go’ay korontadii kadib markii uu damay matoorkii bixinayay korontada, iyadoo ilo ku dhow dhow garoonkana ay noo xaqiijiyeen in matoorku u damay shidaal la’aan, maadaama gobolka banaadir u xil saarnaa bixinta kharashka shidaalka.

Guddoomiyaha gobolka Cumar Filish ayaa sheegay in 2 cisho ka hor uu amray bixinta kharashka shidaalka uuna u xilsaaray Ibrahim dheere, waxa uuna shakigaliyay in kharaahka uu ku tagri falay kuxigeenkiisa, waxaana uu ku hanjabay inuu tallaabo ka qaadi doono Ibrahim Dheere haddii la xaqiiyo inuu lunsaday kharashka shidaalka loogu talogalay.

Dadweynihii caawa filayay inay daawadaan ciyaarta kama dambeysta ah ayaa garoonka dib uga laabtay kadib markii loo sheegay in ay baaqatay waxayna dalbadeen in tallaabo laga qaado cida sababteeda leh baaqashada kulankan xiisaha leh ee baaqday.

Waa markii ugu horeysay oo guddoomiye kuxigeen maaliyadeed lagu eedeeyo inuu lunsaday kharash shidaal, waxaana horay Hanti dhowraha Qaranka iyo Xusaabiyaha guud ee dowladda ugu eedeeyeen Ibraahim Dheere inuu lunsaday lacag dhan 1.5 million oo canshuurta dadweynaha ah, waxaana weli la xallin eedahaasi loo jeediyay guddoomiye kuxigeenka.

You might also like More from author