Guddoomiyaha G.Mudug oo kamid noqday Golaha Shacabka

Guddiga Maamulka Doorashada Puntland maanta qabanaya Doorashada lixdii kursi ee ugu dambeeyay kuraasta Golaha Shacabka ee laga soo dooranayo Maamulka Puntland.

Doorashadan oo ka socota magaalada Garoowe ayaa waxaa ilaa hadda la doortay laba kursi oo tirsigoodu kala yahay HOP-73 iyo HOP-199.

Kursiga HOP-199  waxaa ku tartamay Guddoomiyaha Gobolka Mudug, Cabdiladiif Muuse Nuur yare iyo Luul Abshir diiriye, waxaana ku soo baxay doorashada Cabdiladiif Muuse Nuur oo helay Codadka 100 Erg oo fadhiday hoolka ka dib markii Luul Abshir Tartanka ay isaga hartay.

Eng Maxamed Cabdullaahi Kayse, ayaa ku guulaystay Kursiga HOP073 ka dib markii Musharaxii la tartamayey ee Cabdullaahi Cabdi Jaamac uu tartanka isaga haray doorasho oo lagu qabtay Xerada 54 aad ee Magaalada Garoowe.

You might also like More from author