Guddoomiyaha Cusub Ee Gobolka Banaadir Oo La Kulmay Guddoomiye Mahad Alle

Sii-hayaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Guddoomiye ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir mudane Ibraahim Cumar Mahadale (Ibraahim Dheere) ayaa xalay kulankii ugu horeeyay la qaatay Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir  Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Guddoomiye Finish ayaa Ibraahim Dheere ka xog wareystay hawalaha shaqo ee muhiimka ah oo ay Gobolka ka qabteen tan iyo markii uu geeriyooday Gudoomiyihii Gobalka Marxuum Eng Yariisow iyo sidii loo dar-dar galin lahaa howlaha horyaalla.

Waxaa kulan soo dhawayn iyo hambalyeen ah iigu yimid oo an waqti wada qadanay Siihaayaha Xilka gudoomiyaha gobalka ahna Gudoomiye kuxigeenka maamulka iyo Maalyadda Gobalka Banaadir Ibraahim Mahad alla (ibraahim dheere). Guddoomiye Ibraahim Dheere ayaa waxaan ka xog wareystay hawalaha shaqo ee muhiimka ah oo ay Gobolka kaqabteen tan iyo markii uu geeriyooday Gudoomiyihii Gobalka Eng Yariisow iyo sidii aan u dar-dar galin lahayn howlaha nahoryaala”ayu yiri Guddoomiye Cumar Maxamuud Maxamed (Filish).

Si kastaba Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  ayaa Khamiistii la soo dhaafay Cumar Finish u magacaabay inuu noqdo Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka Banaadir ahna Magaalada Muqdisho,kadib markii uu geeriyooday Guddoomiyihii Gobolka Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Eng.Yariisow.

You might also like More from author