Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliyeed oo dalka dib ugu soo laabtay

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay kadib markii safar dibbada ah ugu maqnaa toddobaadyadii la soo dhaafay.

Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan Guddoomiyaha oo safar Shaqo ku tagay dalalka Jordan iyo Turkiga ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyey Guddoomiye ku xigeenka labaad ee golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka.

Kalfadhiga 5aad ee Baarlamaanka ayaa lagu wadaa inuu dib u furmo  16ka bishan oo ku beegan maalinta Sabtida ah,kadib markii uu dib u dhac uu ku yimid.

Gudoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Cabdiraxmaan ayaa noqonaya kusimaha Madaxweynaha inta uu Madaxweyne  Farmaajo dalka ka maqan yahay…

You might also like More from author