Guddigii loo xilsaaray Kiiska Qalbi-dhagax oo Hogaan doortay

Guddigii ka koobnaa 15-ka Xubnood islamarkaana loo xilsaaray in ay ka soo talo bixiyaan Go’aankii Xukumadda Soomaaliya ay Itoobiya ugu Wareejisay C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo ahaa Sargaal ka tirsan Jabhadda ONLF ee la dagaalanta Itoobiya ayaa doortay Hogaan.

Guddiga ayaa Guddoomiye u doortay Xildhibaan  Cali Xoosho, Guddoomiye ku xigeenna C/risaaq Cumar Maxamed Halka Xildhibaan  Hani Maxamed Aadan loo doortay Xogheyn.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo Kulan la qaatay Guddiga ayaa kula Dardaarmay in ay Dar dar geliyaan Hosha u taalla islamarkaana laga doonayo in Howsha loo xilsaaray ay noqoto mid miro dhashay.

Xubnaha ku jira Guddiga ayaa balan qaadeen in ay howsha loo xil saaray ay si wanaagsan usoo qiimeyn doonaan isla markaana warbixin lagu qanco ay kusoo celin doonaan Golaha Shacabka Soomaaliyeed.

10-ka Bisha October ee soo socota ayaa Guddigaan laga sugayaa in Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya ay ku soo celiyaan War-bixin dhameystiran oo ay ka soo diyaariyeen Kiiska C/kariin Sheekh Muuse Qalbi-dhagax oo Gudaha Soomaaliya Muran badan ka dhaliyay markii Dowladda Itoobiya loo Gacan geliyay.

You might also like More from author