Guddiga qiimeynta Garbahaarey oo la kulmay Odoyaasha Dhaqanka leh 16-ka kursi

 

Guddiga qiimeeynta xaaladda deegaan doorashada labaad Jubaland ee Garbohaarreey ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay odaayasha dhaqanka Jubbaland ee matala qaar kamid ah kuraasta 16-ka ee ku asteeysan deegaan doorashada labaad ee Jubaland Garbahaarey.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Caqabadaha hor taagan in ay Doorasho ka dhacdo magaalada Garbahaarey, iyagoo lagu wadaagay talooyin ku aadan sida lagu qaban karo Doorashada.

Sidoo kale kulankan waxaa qayb ka ahaa Gudoomiyaha Barlamaanka Jubaland Cabdi Maxamed Cabdiraxman waxaana gudoomiyaha iyo odayaashuba ay fikradahooda ku biirinayeen Guddiga qiimeeynta xaaladda doorashada ee Gobolka Gedo.

You might also like More from author