Guddiga FIET oo waxba ku tilmaamay Doorashada laba kursi

Guddiga Dooshada heer Federaal ee FIET ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay natiijada laba kursi oo doorashadooda hore loo qabatay, iyaga oo sheegay baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in habraaca loo maray aysan waafaqsaneyn xeerarka doorashada kuraasta Golaha Shacabka.

Kuraastan oo kala ah HOP#154 oo ay ku guuleysay xildhibaanad Sareedo Maxamed Abdalla, kaas oo ay sheegeen in musharraxii la tartamay aanu buuxin shuruudaha doorashada iyo HOP103 oo ah kursiga uu ku fadhiyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo hadda loo doortay Mohamed Cali Xasan oo ah Wasiirka Howlaha Guud ee Koofur Galbeed.

Guddiga doorashada heer Federaal ayaa hore u hakiyay doorashada kursiga Hop103, laakiin waxaa ku gacan-seyray guddiga doorashada ee maamulka Koofur Galbeed.

You might also like More from author