Guddiga FEIT oo soo saaray wargelin ku socoto Xildhibaanada dooran

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka heer Federaal ee FEIT oo maalinta beri ah halkooda kasii wadi doona Shahaado siinta Xildhibaanada labada gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa soo saaray wargelin ku socoto xildhibaanadaas.

Qoraal kasoo baxay Guddiga ayaa lagu shaaciyay in Guddiga maalinta berito ah oo ay taariikhdu tahay 7/04/2022 uu shaqeyn doono galinka dambe 12:00-5:00PM, inkastoo aysan shaacin sababta rasmigaa ee ka dambeysa go,aankaas, balse Guddiga shantii maalin ee lasoo dhaafay ay si xiriir ah labada galin u wadeen shahaado siinta Xildhibaanada.

Qoraalka Guddiga hoos ka akhriso:-

Wargelin muhiim ah:

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinku wuxuu ku wargelinayaa dhammaan Xildhibaanada Sharafta leh ee raba inay qaataan Shahaadada Xildhibaanimo in barri oo ah Khamiis 07.04.2022 aan shaqeyn doonno galinka danbe, 12:00-5:00PM Insha Allah.

You might also like More from author