Guddiga FEIT oo shaaciyay natiijada kama dameysta ah ee kursiga HOP#039

Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT ayaa maanta shaaciyay natiijada kama dambeysta ah ee kursiga HOP#039 kaas oo dhawaan doorashadiisa ay ka dhacday Magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Qoraal uu soo saaray Guddiga ayaa lagu sheegay in doorashada Kursiga HOP#039 loo maray habraacyadii iyo hannaankii hubinta doorashada, kaas oo uu ku guuleystay Dr. Cali Xaaji Aadam Abuukar.

Qoraalka Guddiga ayaa lagu yiri “GHDHF wuxuu shaacinayaa natiijada kursiga HoP#039 oo soo marey habraacyadii iyo hannaankii hubinta doorashada, waxaana ku guuleystay Mudane Dr. Ali Haji Adam Abukar.”

You might also like More from author