Guddiga doorashada Puntland oo shaaciyay 10 kursi oo Doorashadooda dhawaan la qabanayo.

Guddiga hirgelinta Doorashooyinka ee heer Dowlad Goboleed ee Puntland ayaa shaaciyay jadwalka doorashada 10 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS.

Sidoo kale Guddiga ayaa shaaciyay Goorta la qabanayo Doorashada kuraastaasi, iyagoona sheegay in maalinta beri ah ay bilaabayaan Diwaangelinta, tabobarka, shaacinta gudiyadda iyo xulista ergada, halka maalinta xigtana oo taarikhdu tahay 18-ka ay soo gudbin doonan ergada, iyadoona wajiga kobaad Doorashada xubnaha ugu horeeyo laqaban doono 22-bishaan.

Wajiga labaad oo bilaabanayo 20-ka bishaan ayeey shegeen in ay Mari doonaan sidii wajigii kowaad, iyadoona Doorashada  la qaban doono 25-ka bisha kobaad.

Waa xubnihii ugu horeeyay oo ay shaaciyaan Guddiga Hirgalinta Maamulka Doorashada Puntland, kuwaa oo kamid noqon doono Golaha Shacabka, Waxaana heshiis dhawaan Muqdisho Golaha wadatashiga qaran ku gareen dhigayay in doorashadda Golaha Shacabka lasoo gabogabeeyo 25 bisha labaad.

Hoos ka akhriso.

You might also like More from author