Guddiga doorashada Jubbaland oo shaaciyay Jadwalka doorashada 5 Kursi.
Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka heer Dowlad Goboleed ee Jubbaland SEIT ayaa waxa uu shaaciyay jadwalka qabashada doorashada 5 kursi oo kamid ah Kuraastii ka harsanaa 43-da kursi ee deegaan doorashadoodu tahay Jubbaland.
