Guddiga doorashada Hirshabelle oo shaaciyay jadwalka doorashada 6 kursi.

Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowlad Goboleed ee Hirshabelle ayaa shaaciyay Jadwalka 6 Kursi oo ka mid ah Kuraasta Taala Caasomada Jowhar.

Guddiga ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay waqtiga rasmiga ah ee la diiwaangelinayo Ergada, iyo tababarka la siinayo ergada dooranaysa kuraasta ay soo bandhigeen guddiga doorashooyinka Hirshabelle.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay im Doorashada ay dhaceyso 31-ka Bishaan.

You might also like More from author