Guddiga Doorashada FIET oo Liiska Xildhibaanada ka reebay Fahad Yaasiin iyo Xubno kale

Gudduga Doorashada Heer Federaal ee FIET ayaa Xogahayeyaasha labada Aqal ee Baarlamaanka ku wareejiyay Liiska iyo Xogta 299 Xildhibaan oo Doorashadooda ka dhacday Shanta Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Guddiga ayaa liiska ku xusin afar kursi oo Doorashadooda ka kala dhacday Maamulada Koofur Galbeed iyo Hirshabeelle, kuwaasi oo kala ah:-

Kursiga HOP103 oo ah kii uu u tartamayay Guddoomiye Jawaari balse uu ku soo baxay Maxamed Cali Xasan, kursiga HOP154 oo ay kusoo baxday Xildhibaan Sareedo Maxamed Cabdalla, HOP204 oo uu kusoo baxay isaaq Cali Subag balse laga hor istaagay Wasiirka Gaashaandhiga C/qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo Kursiga HOP-086 oo uu ku soo baxay Lataliyaha Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin.

Guddiga ayaa ugu baaqay Xildhibaanada Cusub in ay yimaadaan magaalada Muqdisho, si ay u qaataan Shahaada, isla markaasna loo dhaariyo.

Hoos ka akhriso liiska Xildhibaanada

You might also like More from author