Guddiga Difaaca Baarlamaanka Oo Kulan La Leh Laamaha Ammaanka Dowladda

Guddiyada Joogtada ee xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa saakay lagu wadaa in kulan Su’aalo lagu weydiinayo masuuliyiinta Laamaha Ammaanka dalka ay kula qaataan xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana Laamaha Ammaanka wax laga weydiin doonaa qaraxii 14 kii bishan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Degmada Hodan, kaasi oo ay ku dhinteen, kuna dhaawacmeen dad fara badan oo shacab ahaa.

Xildhibaan Sidiiq Warfaa Xoghayaha Guddiga Joogatada Difaaca Baarlamaanka ayaa sheegay in maanta qorshuhu yahay in ay kulan la yeeshaan Laamaha Ammaanka, si wax badan looga ogaado Qaraxii dhawaan ka dhacay Isgoyska Zoobe ee Magaalada Muqdisho.

Waxaana uu shaaca ka qaaday in kulankaasi waxyaabihii ka soo baxa ay la wadaagi doonaan shacabka Soomaaliyeed.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli wada baaritaano dheeri ah oo ku aadan mashaqadii ka dhacday Isgoyska Zoobe, iyadoona Laamaha Ammaanka looga fadhiyo soo bandhigida Natiijada ka soo baxday baaritaanadaasi.

You might also like More from author