Guddiga Amniga Doorashooyinka Soomaaliya oo shir ka yeeshay Muqdisho

Taliyaha guud ee ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa waxa uu ka warbixiyey kulan ay yeesheen wixii kasoo baxay kulanka Xubnaha Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka dalka.

Taliye Xijaar oo kulankaas shir guddoomiyey ayaa sheegay inay diiradda saareen, dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka Qaranka.

“Waxa aan guddoomiyey shirka Guddiga Qaran ee Amniga Doorashooyinka, kaas oo looga hadlayey dardar gelinta hawlaha hor-tebinta u leh sugidda amniga doorashooyinka si dalka ay uga qabsoonto doorasho ku dhacda jewi nabdoon,” ayuu qoraalkiisa ku yiri Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Janeraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.

Soomaaliya ayaa udiyaar garoobeysa doorasho loo dhan yahay,iyadoo Amniga iyo Hirgelinta doorashada lagu wareejiyey Xukuumada Ra’iisal wasaare Rooble Hogaamiyo.

You might also like More from author