Goodax Bare iyo musharixin kale oo ku haray doorashada wareega 1-aad ee Beledweyne
Waxaa goordhow magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan kusoo idlaatay wareega 1-aad ee doorashada kursiga Hop#063, kaas oo ka mid ah kuraas laba ah oo maanta la dooranayo.
Musharxiin 9- ah oo uu ku jiro Wasiirkii hore ee Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Bare ayaa ku tartamayay kursigaan, balse waxaa badankooda waxaa ay ku hareen wareegii koowaad ee doorashada Kursiga Hop#063.
Sidaan ayey cododka u kala heleen musharixiintii ku haray tartanka doorashada:
1- Cabdullaahi Goodax Bare wuxuu helay 10 cod.
2- Nadar Tabaax Maalin waxa ay heshay 9 cod.
3- Cabdi Afrax Guure wuxuu helay Waxuu helay 2 cod.