Gole Ay Deni,Madoobe,Cabdi Xaashi & Murashaxiinta kaga Dhawaaqeen Muqdisho

Kadib Shir Albaabada uxirnaa oo ay yeesheen Madaxweyneyaasha Jubbaland,Puntland iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare ayaa ugu dambeyn lasoo dhawaaqay Gole ka dhan ah Madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa hadda akhrinaya War-Saxaafadeed ay ku mideysan yihiin Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, Guddoomiyaha Aqalka Sare iyo Midowga Musharraxiinta.

Waxaa sidoo kale halkaas looga dhawaaqay Gollaha Bad baadada Qaran oo Guddomiye looga dhigay Guddomiyihii hore ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdillahi.

Tani ayaa muujineysa mid culeys gelin karta Shirka loo ballansanaa Muqdisho inuu ka dhaco oo Madaxda Dawlad Gobolleedyada,DFS iyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir lagu waday inuu dhexmaro.

You might also like More from author