Golaha Bad baado qaran Oo baaq udirsaday Golaha Amaanka Q/Midoobeey

Madasha Bad baado Qaran ayaa warsaxaafadeed ay soo saareen waxay kaga hadleen sida ay udiidan yihiin muddo kordhinta Hay’adaha Federaalka sameysteen dhawaan.

Qoraalka ay soo saareen Golaha bad baado Qaran ayey kaga hadleen baaq ay udireen Golaha Amaanka oo shir ka yeelanaya Xaalada Siyaasada Soomaaliya.

Golaha Bad baado Qaran ayaa kaga mahad celiyey Doorka ay Golaha Amaanka QM taageerada ugu fidiyo Soomaaliya iyo siyaasadiisa qayaxan uu u adeegsado hir gelinta go’aanadiisa.

“Waxaan jeclaan laheyn in aan la taageerin muddo kordhintii uu sameystay dhawaan Madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo dib udhigay doorashadii la filayey ayey Qoraalkooda ku daabaceen Golaha Bad baado Qaran”.

Ugu dambey Golahaan oo ay ku jiraan Madaxda Jubbaland,Madaxweynayaashii hore iyo Gudoomiyaha Aqalka Sare waxay cod dheer ku dalbadeen in laga shaqeeyo sidii Dalka Doorasho loo dhan yahay uga dhici laheyd,loogana bad baadin lahaa dib usocod Waddanka la geliyo.

Waxay sheegeen in ku tumashada Dastuurka Dalka uu keeni karo fool xumo siyaasadeed iyo dagaalo sokeeye taas si looga hortegana ay Farmaajo ugu baaqeen in xilka uu wareejiyo.

You might also like More from author