Golaha Amniga Koonfur Galbeed oo shir ku yeeshay Baydhabo
Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Isxaaq Cali Subug Ayaa Maanta Shir Gudoomiyey Todobaadkan Shirka Gollaha Amniga Koonfur Galbeed.
Shirka Ayaa Todobaadkan looga Hadley Xoojinta Amaanka , Wadashaqeynta Ciidamada ,Iyadoona Warbixino laga dhageystey Saraakiisha Ciidamada .
Gollaha Amniga Koonfur Galbeed Ayaa Mahadcelin u Jeediyey Laamaha Amaanka qeybahoda kala Duwan Sida Ay Habeen iyo Maalin ay usugeyaan Amaanka .
Shirka Waxa ka soo Qeyb Galey Taliyaasha Ciidamada Xoogga Dalka , Booliska , Nabad Sugida , AMISOM , Iyo Saraakiil kale .

