Golaha Amniga iyo Nabada Midowga Afrika oo ka hadlay Kiiska Dacwada Badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa war murtiyeed ka soo saaray shirkii gaarka ahaa ee ay ka yeesheen muranka Badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya.

Golaha ayaa ka codsaday Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika inuu Ergey gaar u magacaabo kala shaqeeya dhinacyada sidii loo heli lahaa degenaansho, xal saaxibtinimo wadatashi iyo wada shaqeyn looga gaaro arrintan.

Lama oga falcelinta Midowga Afrika ay arintan ka keeni doonaan, iyadoo xalay Maxkamada ICJ ay dib u dhigtay dhageysiga Kiiska Bada oo lagu balansanaa 9ka bisha, iyadoo haatan laga dhigay 4ta November.

You might also like More from author