Go’aano Cusub Oo Dawlad Gobolleedka Puntland soo saartay

Wasaarada Waxbarashada Dawlad Gobolleedka Puntland ayaa soo saartay go’aano cusub oo kusaabsan Xakameynta Caabuqa Covid 19.

Go’aanada kasoo baxay Gudddiga Puntland uqaabilsan Ka hortega iyo latacaalida covid19 waxaa ka mid ah in Ardayda aysan 20 ka badan Fasal wada dhigan Karin,si loo ilaaliyo caafimaad qabka Ardayda waxbaraneysa.

Puntland Wasaaradeeda Waxbarashada waxay sidoo kale amartay in Imtixaanka Naqliga la bilaabo 20 bisha April todobaadka dambe lana soo geba gabeeyo 30 April isla bishaan.

Waxay Wasaaradu sheegtay in uu kordhay Faafitaanka Cudurka Corono Virus-ka sidaa awgeedna ay Awaamiirtaan cusub usoo saareen.

8-deedii Bishaan ayaa La xadiday hanaankii Waxbarashada Deegaanada Puntland,iyadoo cudurka iyo cabsidiisa ay aad ukorortay.

Q

You might also like More from author