Giriiga Oo soo xiraya Xildhibaan Katirsan Xisbiga Fashiistaha (Sababta)

Dawlada Giriigga ayaa soo saartay waaran soo qabasho Talaadada maanta ah oo lagu soo xirayo xubin hore ee hoggaamiyihii xisbiga faashiistaha ahaa.

Siyaasiga lasoo xirayo ayaa lagu magacaabaa Iyoonis Leegoos,waa 48 jir diidan hanaanka Dawladaha Yurub qaarkood damacsan yihiin.

Shalay Baarlamaanka Giriiga waxay si aqlabiyad leh ugu codeeyeen in laga qaado mudnaanta baarlamaanka uu lahaa Siyaasigaan. Guud ahaan 693 sharci dejiyeyaal reer Yurub ah ayaa codeeyey, kuwaas oo 658 ka mid ahi u codeeyeen in xasaanadda laga qaado.

Dadka yaqaana ninkaan waxay ku tilmaameen mid mayal adag oo ku adkeysta fulinta damaciisa siyaasiga ah.

You might also like More from author