Giriiga oo dib ufasaxay dalxiisayaasha inay tegi karaan dalkiisa kadib markii…

Dawlada Giriiga ayaa si rasmi ah waxay ufasaxday in dadka dalxiiska utegaya Dalkeeda,kadib qoraal kasoo baxay Sabtidii Dawlada Dalkaasi.

Sabab lagu sheegay inuu hoos udhacay Caabuqa Covid 19 oo soo kabasho dalka ah iyo in la abuuro fursado dhaqaalaha warshadaha lagu kobcin lahaa.

Warsaxaafadeedka Xukuumada Athens kasoo baxay ayaa lagu sheegay in dadka ay noqdaan kuwo aan hareer marin shuruucda kusaabsan ilaalinta in uu faafo caabuqa Covid 19.

“Qofka waxaa laga doonayaa inuu soo xirto Agabka Xakameynta Cudurka Covid 19 sida Mask iyo Kaloofiska Gacmaha ayaa lagu cadeeyey Qoraalka”.

Bilo kadib ayey noqoneysaa oo Bandow gudaha Giriiga ka jiray iyo xayiraad duulimaadyada caalamiga ahaa ee la qaadi doono,si la mid ah waddamada Yurub oo qafiifiyey xanibaadii ka dhalatay arinta cudurka covid 19.

You might also like More from author