General Cali Gaab Amisom shan boqol oo shil ay geysteen Afartii sano ee la soo dhaafay,

Taliyaha Ciidanka taraafikada Soomaaliya General Cali Gaab oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidanka AMISOM ay qaladaad badan ka galayaan sharciyada marista wadooyinka.

Taliye Cali Gaab oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in illaa shan boqol oo shil ay geysteen Ciidamada AMISOM, qaarkoodna ay ka dhalatay dhimasho iyo dhaawac sida uu hadalka u dhigay.
“Afartii sano ee la soo dhaafay gaadiidka AMISOM, wuxuu geystay illaa shan boqol oo shil oo ay qaarkood dhimasho iyo dhaawac ka dhasheen, waxaa jira dad badan oo aan wali helin wax mag dhow ah”ayuu yiri Taliye Cali Gaab.
Taliye Cali Gaab ayaa soo hadal qaatay dhowr shil oo ay geysteen AMISOM, oo ugu dambeeyay shil habeen hore dhacay, isla markaana aanay wax magdhow ah bixin.
“Habeen hore shilkii ka dhacay wadada Taleex, gaadiid AMISOM ayaa mooto bajaaj jiiray, khasaarihii ay geysteen waxay keentay in aniga iyo Guddoomiyaha Hodan inaan qeybsano oo aan bixino, kaddib markii in badan laga dooday”ayuu yiri.

You might also like More from author