Gen Odawaa oo ka hadlay sababta ciidamada loo geeyay Beledweyne.

Taliyaha Ciidamada Militariga Soomaaliya Jeneraal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegey in ciidamadii shaley la geeyey magaalada Beledweyne ay yihiin ciidamo la dagaalamaya Al-Shabaab.

Gen Odowaa ayaa sheegey in Al-Shabaab ay halis ku yihiin amniga magaalada Beledweyne iyo qabsoomida doorashada la filayo in ay magaalada ka dhacdo.

Taliyaha ayaa waxaa uu beeniyey in ciidamadan wax lug ama saameyn ah ku leeyihiin doorashada la filayo in magaalada Beledweyne lagu qabto dhowaan ee Golaha Shacabka.

You might also like More from author