Ganacsade Noqday Madaxweynaha Cusub Ee La Doortay Dalka….

Sida ay baahinayaan warbaahinta dalka Ecuador waxaa doorashadii Axadii ka dhacday waddankaasi ku guuleystay Ganacsadaha caanka ah Guyileermo Leeso.

Waxa uu noqonayaa Madaxweynaha Afarta sano soo socota hogaamin doona Dalkaan ku yaalla Koonfurta Laatiin Ameerica.

Guyileermo Leeso oo 65 sano jir ah ayaa hore u ahaa Agaasime Banki waxaana doorashada uu ka qeyb qaatay helay codad badan taas oo sahashay in Madaxweyne ku guuleysto.

Caasimada Ecuador Ee Quweytu waxa ka socda dabaal degyo ballaaran oo lagu soo dhaweenayo guusha Madaxweynaha Cusub kaas oo katirsan Xisbiga Konserfetiifka.

You might also like More from author