Gamudug oo baaq u dirtay DF iyo Beesha Caalamka

Wasaaradda Gargaarka iyo Arrimaha Bani’aadanimada Galmudug ayaa sheegtay in weli ay jirto saameynta ay yeelatay Abaartii ku dhufatay dalka, loona baahan yahay in la helo gargaar.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Arrimaha Bani’aadanimada maamulka Galmudug Mahad Maxamuud Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay shacabka reer Galmudug in xoolohoodii ay ku waayeen Abaaraha, muhiimna ay tahay in ay helaan gar gaar dadka ay Abaaraha ay saameeyeen.

Wuxuu afka ku balaariyay Mahad Maxamuud Cali Wasiirka Gargaarka in il gaar ah lagu fiiriyo Galmudug, maadaama shacabkeeda ay isugu darsameen Abaar iyo Colaad.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adaha Gargaarka ayuu ugu baaqay in ay gar gaar la soo gaaraan shacabka reer Galmudug, si loo badbaadiyo dadka ay Abaaraha saameeyeen.

“Waxaan codsi u gudbineynaa Dowladda iyo Hay’adaha gargaarka, oo ah in ay u soo gurmadaan shacabka reer Galmudug oo Abaaraha ay saameeyeen, Abaaro iyo Colaado ayaa isugu darsamay, fiiro gaar ah Galmudug in loo yeesho ayan codsaneynaa.” Ayuu yiri Mahad Maxamuud.

You might also like More from author