Galmudug oo walaac ka muujisay Khilaafka ka taagan arrimaha Doorashada

WarSaxaafadeed ka soo baxay Maamulka Galmudug ayaa waxaa lagu sheegay in ay aad uga walaacsan yihiin Khilaafka ka taagan Arrimaha Doorashooyinka dalka.

Galmudug ayaa ku baaqday in si wadajir ah loo ilaaliyo heshiisyadii laga gaaray Arrimaha Doorashooyinka, isla markaasna khilaafka taagan lagu dhammeeyo wada hadal.

Hoos ka akhriso WarSaxaafadeedka

Dhuusamareeb,
Abriil 5, 2022:

Dowladda Galmudug waxay aad uga walaacsantahay xaaladda khilaafka kasii daraya ee ku yimid hanaankii doorashada oo marayay meel gebogabo ah.

Dowladda Galmudug waxay ka xuntahay doorashooyinkii oo heer gebogebo ah maraya oo ay foodda inagu soo heyso dhaarintii Xildhibaanada labada aqal ee BFS, in la abuuro jawi xasilooni darro siyaasadeed oo dhaawici kara dhameystirka doorashooyinka.

You might also like More from author