Galmudug oo soo saartay kuraas dooraashadooda taala Gaalkacyo.
Guddiga Maamulka Doorashada Galmudug ayaa shaaciyay kuraas 6-ah oo deegaan doorashadoodu tahay Magaalada Gaalkacyo ee G/Mudug.
Kuraasta ay Guddiga soo saareen ayaa kala ah HOP#001, HOP#013, HOP#017, HOP#020, HOP#060 iyo HOP#101.
Sidoo kale Guddiga ayaa shaaciyay jadwalka shaqo ee doorashada kuraastaan, iyadoo qorshuhu yahay in doorashadooda la qabto 5/03/2022.
