Galmudug oo soo bandhigtay Sanad kadib Ciidanka ay Dhisatay awoodiisa

Galmudug ayaa guul weyn ka sheegatey qorshaha dhismaha Ciidamada mudadii sanadka aheyd ee Xukuumadani jirtay.

Warbixin wasaarada Amniga soo saartay ayaa looga hadlay sida ciidamada ukala muhiimsan yihiin,shaqooyinka ay qabtaan iyo tirada ay kala yihiin.

Ciidamada daraawiishta ayaa lagu sheegey warbixinta Amniga ee sanadkii tagey in tiradooda la gaarsiiyay 1,000 ( kun Askari ), sidoo kale waxaa la xusey in la diyaariyey 700, ( todobo Boqol oo askar booliis ah ) kuwaa oo Amniga kala wareegaya Ciidamada Federaalka, dhismaha Ciidamada Badda ayaa iyana la shaaciyey in lagu guuleestay oo haatan ay howlgaleen 120 Askari oo fadhigoodu yahay Magaalada Hobyo.

Wasiirka Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi ayaa hore usheegay inay diyaarinayaan ciidan Awood u leh sugida Nabad gelyada Deegaanada Galmudug,sida muuqatana waa uu ku faanayaa sanad kadib in ciidan ay dhisatay Galmudug.

Meelo ka mid ah Galmudug waxaa kusugan oo maamula Ururka Al Shabaab,hadana waxay Fiqi iyo Mas’uuliyiinta kale sheegayaan in awood ciidan ay heystaan.

You might also like More from author