Galmudug oo Shacisay Jadwalka qabashada hal kursi.

Guddigga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa shaaciyay Xubnaha Guddiga Xulista Ergad, kursigga tirsigiisu yahay HOP#061 iyo Jadwalka Qabashada Doorashaad.

Kursigga #061 oo afartii sanno ee lasoo dhafay uu ku fadhiyay Cabdi weli Maxamed Qanyare ayaa Gudigga Doorashada Galmudug waxa ay sheegeen in Doorashada kursigaasi la qaban doono Maalinta beri ah taarikhduna tahay 03 Bisha 2aad 2022.

Kursigaani ayaa kamid ahaa kuraastii la shaaciyay Doorashadooda 21Bishii aynu soo dhaafnay 2022.

Maalinta berri ah ayaa lagu wadda sidoo kale in Magaalada Dhuusamareeb ee casimadda Dowlad Goboleedka Galmudug ay ka dhacdo Doorsho 6 kursi oo kamid ah Golaha Shacabka BJFS.

Waxa ayna kala yihiin Kuraasta berri Doorashadooda la qabanayo Hop-139,Hop-055, Hop-051, Hop-049, Hop-012, Iyo Hop-061,

You might also like More from author