Galmudug oo Shacisay Jadwalka Doorashada hal kursi.

Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug ayaa shaaciyay liiska guddiga xulista ergada iyo jadwalka Doorashada hal kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee lagu dooran doono Magaalada Dhuusamareeb ee casimadda Dowlad Goboleedka Galmudug, kaa oo uu horay ugu fadhiyay Xildhibaan Saabir nuur Shuuriye.

Guddiga ayaa ahegay in maanta la Diwaangelinayo sidoo kalana tabobar loo furayo Guddiga Xulista, halka 1da bisha 2aad la Diwaangelinayo sidoo kalana tabobar iyana loo furayo Ergayga dooraneeyso Kursiga Sumadiisu tahay Hop-071, waxaana ugu danbeeyn Dorashada kursigaani qabsoomeysaa 3-da febraayo.

Kursigaan ayaa kamid ah 7 kursi oo 21 bishaan  la shaciyay, waxaana 7daasi kursi laga doortay Afar kursi oo kaliya.

You might also like More from author