Galmudug Oo Gole Deegaan Usameneysa Magaalada Dhuuso mareeb

Qorshe lagu daadajinayo Baahinta Nidaamka Maamul Ee Ilaa Heer Deegaan ayaa ka soconaya Galmudug si dadka iyo Maamulada Wada shaqeyn dhaw udhexmarto.

Kulan ka dhacay Dhuuso mareeb uuna shir gudoominayey Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayna ka qeyb galeen Wasiirada Maamulkaasi ayaa looga hadlay Xaaladihii udambeeyey.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Arimaha Gudaha Galmudug Axmed Xasan Dheere ayaa sheegay inay sida ugu dhaqsiyaha badan Gole Deegaan ugu sameyn doonaan Dhuuso mareeb.

Dhinaca kale Wasaarada Caafimaadka Galmudug ayaa deg deg udalbatay in lasoo gaarsiiyo Dhaqaale ku filan oo lagu kabayo Adeega Covid19 dadka lagula tacaalayo iyo Deegaanka Xeraale oo la geeyo Qalabka Baaritaanka lagu sameeyo sida uu sheegay Axmed Mire Faafaale oo ah Wasiiru dowlaha Caafiamadka Galmudug.

Inay Caasimada Galmudug yeelato Gole Deegaan waxay ka dhigan tahay in Deegaanada kale Ee Maamulka Hoos yimaada iyaguna lagu ballaariyo barnamaajika Goleyaasha Deegaanka.

You might also like More from author