Galmudug oo Fasaxday Shaqadda Garoonka Cadaado

Sida ay xaqiijiyeen Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug waxaa dib loo fasaxay shaqadda garoonka diyaaradaha magaalada Cadaado ee Caasimadda KMG ah ee maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf ayaa la sheegay in uu bixiyay amarka dib loogu furay Garoonka Cadaado.

Afhayeenka maamulka Galmudug ayaa sheegay in Galmudug ay dadka Shacabka ka raaligelinayso Mudadii uu xirnaa Garoonka, islamarkaana uu dib u shaqo bilaabay Garoonka.

Waxgaradka Cadaado ayaa ka codsaday Madaxweynaha in uu shaqo bilaabo Garoonka Shalay ka dib kulan ay ku yeesheen Magaalada Cadaado.

Galmudug ayaa ku jirta Xaalad deg deg ah, waxaana wali jira Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Sare.

You might also like More from author