Gabar Askari Booliska katirsaneyd Oo Tooreey Lagu Dilay

Ciidamada Booliska Dalka Faransiiska ayaa wada baaritaan ku aadan sida loo fududeeyey weerar Argagaxiso oo shalay Jimcihii ka dhacay Dalkaasi.

Nin kasoo jeeda Dalka Tunisia ayaa la sheegay in uu mindi madaxa kaga muday Gabar katirsaneyd Booliska faransiiska oo ay udhimatay tooreydaasi lagu dhuftay.

Ciidamada Amaanka ayaa toogtay Gacan ku dhiiglaha markii uu dilka geystay xilli uu doonayey inuu baxsado.

Weerarka oo ka dhacay Caasimada Faransiiska Ee Paris ayaa waxa uu qal qal kale abuuray xilli waayahaan Rabshado diiniyan ah Faransiiska wajahayey.

Ra’iisal Wasaaraha Dalka Faransiiska Jiin kastekis,ayaa wariyeyaasha usheegay in Weerar Argagaxiso ku sheegay Dilka dhacay.

You might also like More from author