Farmaajo walaalkiis oo ka fal celiyey Eed culus oo loo jeediyey

Tan iyo markii xalay uu qoraal ka sameeyey Siyaasiga C/raxmaan c/shakuur Warsame eedna ujeediyey Farmaajo walaalkiis ayaa waxa arintaas ka fal celiyey Xasan Nuur.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA JAWAABTA XASAN FARMAAJO

Anigoo ah Xasan Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), Waxaan halkaan umada Somaliyeed ugu cadaynayaa in aanan ahayn QAADWALE ama aanan kujirin GANACSI JAAD. Jaadka Ethiopia ka yimaadana aanan wax shaqo ah kulahayn.

Waxaan xaqiiqsaday in siyaasiyiinta ku saaqiday siyaasada ay lacago badan ku bixiyeen inay been abuur iga sameeyaan si ay u dhaawacaan magacayga iyo magaca walaalkay oo ah Madaxweynaha Jamuuriyada Federalka Somaliya Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo).

Waxaan ka xumahay anigoo ah muwaadin Somali ah, aanan wax xil ah  kahayn dowlada Somaliya, ay baneestaan Siyaasiyiinta Siyaasada ku saaqiday sida Cabdirahman Cabdishakuur uu si cad ii weeraro isagoo raadinaya inuu sharaftayda iyo dadnimadayda wax u dhimo, fadeexad been abuur ahna u sameeyo Madaxweyniha qaranimada Somaliya Soo celiyay, Dhalinyaradii dibadaha ku xirnayd kusoo celiyay dalkooda hooyo, Hawada Somaliya madaxbanaanideeda soo celiyay, ciidankii, Shaqaalihii iyo xildhibaandii mushaharkooda laboobi jiray joojiyay, dhulalkii danguud ee la boobijiray joojiyay, Badii Kenya loo saxiixayna mulkiyadeedii hada weli uu ku dagaalamayo.

Dowladii kahoresay dawlada Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu madaxweynaha kayahay ayaa lagu yaqaanay in ehelka ama qaraabada loo xiro ganacsiyada dhaqaalaha badan leh sida Taargada baaburta, daabacaada baasaboorada, keenida shidaalka dowlada isticmaasho, raashinka iyo qalabaynta ciidanka, howlaha dekeda iyo airporka loo qabto.

Waxaan halkaan shacabka Somaliyeed u sheegayaa in Abdirahman Abdishakuur uu maanta naf kadoonay inuu Xasan Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ku eedeeyo musuqmaasud ganacasi.

 

Cabdirahman Cabdi Shakuur wuxuu sicad u umuujiyay in uu yahay shakhsi kusifoobay qabyaalada iyo hurinta dagaal qabiil.

DANTA, DALKA, DADKA IYO DIINTA ILAAHAY HA XAFIDO

You might also like More from author