Farmaajo oo waayey Garbihii Galmudug iyo HirShabelle (Warsaxaafadeed)

Madaxweynayaasha Galmudug iyo HirShabelle ayaa wadajir waxay usoo saareen Warsaxaafadeed ay galabta uga hadleen Xaalada Dalka.

11 Qodob ay soo saareen waxay ku sheegeen Labada Maamul inaysan raali ka aheyn dagaal ka dhaca Muqdisho,Muddo kordhintii Farmaajo loo sameeyey ay iska diideen,Shacabka ay ugu baaqeen inay mid noqdaan oo ay iska diidaan cid walbo oo kasoo horjeeda Wadajirkooda.

Qoor qoor iyo Guudlaawe ayaa waxay Maamul Gobolleedyada ugu baaqeen inay qaataan doorkooda ku aadan Doorashada iyo sidii loo qaban lahaa.

Galmudug iyo HirShabelle ayaa muujiyey walaaca ay ka qabaan in dalka loo horseedo dhibaato bur bur iyo Dawladnimada kasoo horjeeda.

Axmed Qoor qoor iyo Cali Guudlaawe ayaa saaxiibtinimo dhaw la ahaa Madaxweyne Farmaajo hayeeshee la sheegay inay ka hor yimaadeen qorshihiisii muddo kordhinta ahaa.

You might also like More from author