Faransiiska Oo Muwaadiniintiisa ugu baaqay inay iskaga soo baxaan Dalka…

Qoraal kasoo baxay Maanta oo khamiis ah Safaarada Faransiiska Ee Dalka Pakistaan ayaa lagu sheegay in la amray Muwaadiniintooda kusugan Pakistaan in ay iskaga soo baxaan.

Bilowgii Isbuucaan ayaa waxa rabashado ay ka dhaceen Afaafka hore Xarunta safaaradaasi,iyadoo xaaladu umuuqato mid cakiran.

“waxaan si kumeel gaar ah Muwaadiniinteena kusugan Pakistaan leenahay soo baxa oo dalkaasi kasoo tega,hana la xiro Shirkadaha muwaadiniinta faransiiska ku leeyihiin dalkaasi,sidaa waxa lagu yiri qoraal kasoo baxay Safaarada Faransiiska”.

Dad careysan ayaa waxay weerar ku qaadeen faransiis naceyb ay qabeen Xarunta Safaaradaasi,iyadoo rabashadahaasi lagu dilay labo Boolis ah inkabadan 100 qof kalena ay dhaawac soo gaareen.

You might also like More from author