Fanaanada Muno Xiddigta Oo maanta ku Geeriyootay Muqdisho

Koox fanaaniin ah ayaa labo show ku kala ballansanaa Muqdisho inay Habeenka Ciida ku qabsadaan,iyadoo xifaaltan maalmihii dambe la dareemayey.

Iyadoo taasi ay jirtay ayaa mar keliya maanta laga war helay geerida Fanaanadii codka macaaneyd Muno Xiddigta.

Waxay Muno dareentay Xanuun aan badneyn taas oo ugu dambeyn ay udhimatay sida ay saaxiibadeed sheegeen oo la joogay.

Kooxda Ismaaciil Aarka hogaamin lahaa ayey qeyb ka aheyd Habeenka Ciida Ku ballansanaa Showga lagu waday inuu ka dhaco Muqdisho.

Showga kale ee xamar laga tumi doono Habeenka ciida waxaa hogaamin doona Maslax Mideeye iyo Sharma Boy oo ay hareero joogaan Xamdi Bilan iyo Najmo Nashaad.

You might also like More from author