Fahad Yasiin oo magacaabay Madaxa Shaqaalaha Hay’adda NISA.

Agaasimaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa u magacaabay Cabaas Yacquub Madaxa Shaqada iyo Shaqaalaha Hay’adda NISA.

Xilka uu Agaasimaha Hay’adda NISA Fahad Yaasiin u magacaabay Cabaas ayaa imaanaya muddo todobaad ah kadib, markii uu Ra”iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu xilkaasi ka qaaday Cabdullaahi Kulane.

Cabaas Yacquub ayaa hore u hayay xilka Maamulka, Maaliyadda iyo Tiknoolijiyada ee NISA, sidookale Cabaas ayaa la sheegaa in uu noqon doono Ku simaha Agaasimaha Hay’adda NISA, kadib markii uu baneeyo xilkaas Fahad Yaasiin, maadama hada la rumeysan yahay in uu musharax u yahay Kursi Xildhibaan si uu xasaanad ugu helo, kaas oo ay sumadiisa tahaya HOP-86.

Waxaana Kursigaas ay deegaan doorashadiisu tahay magaaladda Jowhar ee Caasimada Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle, kaas oo uu ku fadhiyo hadda Xildhibaan Faarax Cabdulqaadir.

You might also like More from author