Faahfaahin Qaraxyo ka dhacay Muqdisho

Magaalada Muqdisho ayaa galabta waxaa ka dhacay Qaraxyo, kuwaa soo ka kala dhacay Degmada Xamarweyne iyo daljirka Dahsoon.

Qaraxa koowaad ayaa loo adeegsaday Gaari laga buuxiyay Waxyaabaha Qarxa, waxaana uu  ka dhacay Hotel Naasahablood 2 oo ku yaalla degmada Xamar-weyne ee Magaalada Muqdisho.

Waxaa ku dhintay Qaraxaasi ku dhawaad 10 qof, waxaana sidoo kale jira dhaawacyo.

Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa hadda ku sugan goobta uu Qaraxu ka dhacay, waxaana halkaasi ay ka waddaan howlgallo iyo sidoo kale howlo badbaadin ah.

Qaraxa labaad ayaa waxaa uu ahaa Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha Qarxa oo lasoo dhigay Agagaarka daljirka Dahsoon ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Ammaanka ayaa la sheegay in ay ka war hayeen Qaraxaasi,islamarkaana ay dadka Shacabka kaga digeen in ay halkaasi ka agdhawaadaan.

Saraakiisha Amniga iyo dadka degaanka ayaa xaqiijiyay in Qaraxaasi oo asna loo adeegsaday Gaari uusan geysan Khasaare.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay aad loo adkeeyay,waxaana ka socday howlgallo lagu xaqiijinaayay Ammaanka.

 

14-kii Bishaan ayaa Magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay Qaraxii ugu weynaa ee Abid ka dhaca Soomaaliya, waxaana uu sababay dhimashadda ku dhawaad 400 oo qof.

You might also like More from author