Faah-faahino kasoo baxayo Qarax muqdisho lagula eegtay Afhayeenka Xukuumadda Macalimuu.

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxo ayaa gaari u watey Afhayeene Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahim Mucallimuu oo marayay Agagaarka Isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho isku qarxiyay sida ay shegeen Booliska Soomaaliya.

Saraakiil ka tirsan Booliska iyo Ciidamo faro badan ayaa sidoo kale gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxaana loola cararay mid kamid ah isbitaalada Muqdisho gaar ahaan Digfeer sida ay inoo xaqiijiyeen Saraakiiasha Booliska Soomaaliya.

Howlwadeenada Isbitaal Digfeer ayaa sidoo kale sheegay in xaaladda Maxamed Ibraahim Macalimuu ay tahay mid wanaagsan isla markaana aysan wax aad uweeyni soo gaarin, ogaalkiisuna uu joogo.

Inkastoo Sawirro laga soo qaaday goobta uu qaraxa ismidaaminta ah ka dhacay oo muujinaya bubur soo gaaray qeybta dambe ee gaariga Afhayeenka, hadana waxaa la xaqiijiyay in xaaladda Maxamed Ibraahim Macalimuu ay tahay mid wanaagsan.

Macallimuu ay dhowr jeer oo hore ka badbaaday dhaawacyo ka soo gaaray qaraxyo iyo weerarro ay Al-Shabaab ka fuliyeen Muqdisho. Alle ha caafiyo Macallimuu.

You might also like More from author