Faah-faahino ka soo baxaya dilal ka dhacay Gaalkacyo

Taliska Booliiska Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay ku raad joogaan maleeshiyaad hubeysan laba dhalinyaro ah ku dilay Koofurta magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Galmudug.

Labadan dhalinarada ayaa meydkooda lagu arkay Koofurta magaalada Gaalkacyo, saacado ka dib markii ruux kale lagu dilay gudaha magaaladaasi.

Taliyaha booliska gobolka Mudug ee Puntland Muumin Cabdi ayaa saaka sheegay inay soo qabteen ragii xalay qofka shacabka ah ku dilay koofurta Gaalkacyo, kuwaas oo u baxsaday dhanka waqooyi ee magaalada.

Meydadka labadan dhalinyarada ayaa Taliska Booliiska koofurta Gaalkacyo ku wareejiyay Booliiska Puntland ee ka howlgalla waqooyiga Gaalkacyo, sida ay noo sheegeen saraakiisha Booliiska. Dhalinyaradan ayaa mid kamid ah ahaa askari ka tirsan Ciidamada Difaaca Puntland kaasi oo lagu magacaabo Laba xidigle Abdirahman Jaamac Bootaan, halka mid kalena la oran jiray Cabdullaahi Ordaaye.

You might also like More from author