FAAH FAAHIN: Xildhibaan Lagu dilay Muqdisho

Wararka laga helayo  xaafad ka tirsan degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir ayaa sheegaya in koox ku hubeysan Bistoolado iney dileen  Xildhibaan ka tirsanaa Golaha deegaanka degmada Warsheekh ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Allaha u naxariistee Xildhibaanka ayaa lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Kamaal Sheekhaay waxaana  lagu toogtay xaafadda Siliga Ameerikaanka ee Degmada Wadajir, xili uu halkaas ku sugnaa, salaadii cishaha kadib.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka ayaa tegay goobta uu falku ka dhacay, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Xildhibaan Cabdiraxmaan Kamaal, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan inuu ku geeriyooday Xarun Caafimaad oo dhaawac ahaan loo geeyay.

Kooxdii ka dambeeysay falkaas ayaa goobta si deg deg ah uga baxsaday, waxaana wararka qaarkood ay sheegayaan in laamaha amniga dowladda ay baaritaano ka sameeyeen halku uu falku ka dhacay oo aheyd Siliga Ameerikaanka.

You might also like More from author