FAAH FAAHIN: Qarax ismiidaamin oo ka dhacay Dalka Afgaanistaan

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax ismiidaamin gaari loo adeegsaday oo xalay ka dhacay Dalka Afgaanistaan.

Inta la og yahay 27 qof ayaa ku dhintay halka ay ku dhaawacmeen labaatameeyo Qof.

Gaariga ismiidaamiyey ayaa la sheegay inuu beegsaday Goob Iskuul ardayda Dugsiga sare dhigtaan oo ku taalla Gobolka Loogar Ee Afgaanistaan.

Saraakiisha Laamaha Amniga waxay sheegeen in gurmad loo sameeyey dadka dhaawacmay oo arday ku jiraan.

Wakaalada Wararka Reuters ayaa soo xigatay Afhayeen u hadlay Kooxda Daalibaan isagoo sheegtay in iyagu qaraxaasi ka dambeeyeen.

You might also like More from author