FAAH FAAHIN: Meydka Afar Qof Oo Saaka Lagu Arkay Xeebta…

Kudhawaad afar qof ayaa ku dhintay kadib doon ay la socdeen oo quustay xilli ay tahriib ku doonayeen inay ku galaan dalka Spain.

Meydka afarta qof ayaa laga helay Magaalada El Hiiro oo ah Deegaan Xeebeed ku yaalla Jasiirada Kanaari.

Hay’ada Bisha cas waxay sheegtay in doonta la socdeen kudhawaad 23 qof oo muhaajiriin ah,weliba waxay ku safrayeen doon nuuca kalluumeysiga ah.

Meel ujirta 193km Magaalada El Hiiro ayey doontaasi ku degtay iyadoo la bad baadiyey 16 qof oo xaaladooda halis aheyd,raq iyo ruuxna waxaa lagu weysan yahay weli ilaa seddex qof,halka Afar qof Meydkooda la helay.

Dhinaca Dalka Morocco ayey ka galaan Muhaajiriinta iyagoo doonaya inay Tahriib ahaan ugu gudbaan Waddanka Spain.

You might also like More from author