Faah faahin: Lacagtii shalay la qabtay Gabadha iska laheyd magaceeda

Akhbaar cusub oo aan helnay lacagtii shalay ciidamada Amaanka ku qabteen garoonka diyaardaha Muqdisho ayaa waxa soo faah faahino dheeraad ah kasoo baxayaan shakhsiga iska lahaa.

Booliska ayaa sheegay in ay baaritaan weli ku wadaan lahaanshiyaha lacagtaasi oo ay sheegatay Gabar Soomaaliyeed oo kusugan dalka Kenya.

Sabiriin C/qaadir Isaaq oo ay wada hadleen Saraakiisha Lacagteeda gacanta ku haya ayaa ganacsi ku leh Magaalada Nairobi,taas oo lagu xujeeyey inay keento cadeynta in lacagta iyadu leedahay.

Saabiriin ayaa sheegtay in Lacagta la qabtay ay cadadkeedu dhan tahay Hal milyan oo dollarka Mareykanka ah,taas oo Muqdisho keenay nin ay usoo dhiibtay.

Ma aysan faah faahin qorshaha ay ka laheyd lacagtaasi iyo sababta ay xamar ukeentay inkastoo booliska ay su’aalo weydiiyeen.

Si gaar ah waxa la sheegay in Saabiriin kaga mid tahay Dumarka Dahabka ka ganacsada Ee kusugan Magaalada Nairobi,ayna dhawaan Muqdisho kusoo wajahan tahay si kiiska Lacagteeda lagu hayo loogu fasaxo.

Lacagta shalay lagu qabtay Madaarka Caalamiga ah Ee Muqdisho waxaa waday nin ay gabadha u soo dhiibatay lacagtaas, waxaana baaritaankii shalay ciidamada ku sameeyeen ninka waday uu u sheegay inay leedahay gabar ganacsato ah.

Ilo katirsan Laamaha Amniga garoonka ayaa xaqiijiyey in xiriir taleefoon ah lasoo sameysay Taliska Booliska Garoonka Saabiriin Isaaq oo lacagtaasi sheegatay in iyadu leedahay.

You might also like More from author