Faah faahin kasoo baxeysa Qarax ka dhacay Degmada Balcad

Wararka inaga soo gaaraya Degmada Balcad ayaa sheegaya in qarax miino uu maanta barqadii ka dhacay Degmadaasi,iyadoo faah faahino kasoo baxayaan.

Qaraxa ayaa la sheegay in aheyd miino dhulka lagu aasay waxaana uu ka dhacay iskuul ku yaalla degmadaasi oo la sheegay in imtixaanka fasalka sedeedka uu ka socday.

Hal Askari oo katirsan ciidamada Booliska ilaalinayey imtixaanka ayaa la sheegay in qaraxa uu ka dhaawacmay lamana soo tebin khasaaro kale oo ka dhashay.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska degmada ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay iyadoo xaalada markii dambe caadi kusoo laabatay.

Al Shabaab ayaa weerarada nuucaan oo kale ah looga bartay waxaana weli aysan sheegin in qaraxaasi iyagu ka dambeeyeen iyo in kale.

You might also like More from author